Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay Dhaawac Xiddig Muhiim U Ah Man United Ka Hor Kulanka Newcastle.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu Kabtankiisa Harry Maguire dhaawacyahay waliba shaki ku jiro kulanka ay Man United la ciyaari doonto Newcastle United kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Daafaca ugu qaalisan kubada cagta ayaa qaab ciyaareed liita ku jiray bilihii ugu dambeeyay iyada oo uu ugu dambeeyay qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay kulankii kaadhka cas loo taagay kulankii uu xulka qarankiisa u ciyaaraya.

Qaab ciyaareedka Maguire ee Liita ayaa yimid kadib markii xiddiga lagu xidhay dalka Greek kadib markii uu dagaal galay.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa dhaleecayn xoogan la kulmay kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee uu soo bandhigay kulankii ay Man United guuldarada 6/1 kala kulantay kooxda Tottenham ka hor fasaxii xulalka.

Laakiin xiddiga ayaa laga yaabaa in uu seego kadib markii uu Solskjaer xaqiijiyay in uu daafacu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

“Harry waxa uu dhaawac soo gaadhay kulankii Denmark ka hor intii uuna kaadhka cas qaadan, waxa aan eegi doonaa waxa dhaca bari”.

“Waxa aan rajaynayaa in uuna muddo dheer maqnaan, waxana aan tijaabin doonaa maanta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*