Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay 3 Xiddig Oo Kooxdiisa Dhaawac Ugu Seegay Kulankii Watford.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay 3 xiddig oo ka dhaawacmay kooxdiisa kuwaas oo waliba dhaawac ku seegay kulankii Watford ee tartanka FA Cup-ka.

Xiddigaha Paul Pogba, Luke Shaw & Victor Lindelof ayaa dhamaantood seegay kulankii FA Cup-ka ee ay guusha ka gaadheen kooxda Watford.

Saddexda xiddig ayaa ah xiddigaha ka maqnaa kooxda xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer kaydka dhigay xiddigaha kale ee kooxdiisa sida Harry Maguire, Anthony Martial iyo Marcus Rashford.

kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa tababare Solskjaer wax laga waydiiyay sababta ay xiddigaha Paul Pogba, Luke Shaw & Victor Lindelof ku seegeen kulanka Watford.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa ku jawaabay”Dhamaantood way dhaawacanyihiin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*