Ole Gunnar Solskjaer Oo Warbixin Wal-Wal Leh Ka Bixiyay Dhaawaca Harry Maguire.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday inaysan wali kala caddeyn goorta daafaca Harry Maguire uu ku soo laaban doono garoomada Manchester United.

Kabtanka United ayaa dhaawac kubka ah soo gaaray kulankii ay guuldarrada 1-0 kala kulmeen Aston Villa toddobaadkii hore, waxaana uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen Villarreal iyo Everton.

Tababaraha Man United ayaa sheegay in uuna wali ogayn wakhtiga uu xiddigu ku soo laaban doono garoomada kadib dhaawaca soo gaadhay xilli uu seegayo waajibaadka xulka qarankiisa.

Isagoo lahadlayay beIN SPORTS, Solskjaer wuxuu yiri: “Aan aragno, waxa aan haysanaa laba todobaad ka hor kulankeena xiga, waan rajaynaynaa laakiin ma ogin waxba”.

Waxa haatan la gali doonaa fasaxa xulalka iyada oo kubada cagta horyaaladu maqnaan doonaan muddo 2 todobaad ah ka hor inta ayna soo laaban bartamaha bishan haatan lagu jiro.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*