Ole Gunnar Solskjaer Oo War Ka Soo Saaray Mustaqbalka Edinson Cavani, Maxaa Cusub?

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ay wadahadalo kula jirto Edinson Cavani si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga maadama uu heshiiskiisa haatan sii dhacayo.

Mustaqbalka 34 Jirka ee Old Trafford ayuu shaki ku jiraa xilli uu heshiiskiisu dhici doono 3 bilood kadib waxana lala xidhiidhinayaa kooxda reer Argentine ee Boca Juniors.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa haysata dookha ay hal sano uga saxiixan karto xiddiga Cavani tababare Solskjaer ayaana sheegay in ay kooxdu wadahadalo kula jirto xiddiga.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan wadahadao kula jirnaa Edinson”.

“Edinson waa weeraryahan weyn wax walba oo uu go’aansadana waan eegi doonaa, wax aan isaga kula jirnaa wadahadalo fiican”.

“Waxa aan doonaynaa in uu sii joogo kooxda sababta oo ah waxa uu no dhaliyay goolal sidaas darteed waxa aan ka shaqaynaynaa arintiisa”.

Cavani ayaa dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale 18 kulan oo uu Man United u ciyaaray horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*