Ole Gunnar Solskjær Oo Sugaya In Uu Ku Soo Laabto Man United.

Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa sugaya go’aanka kama dambaysta ah ee maamulka kooxda Man United si uu ugu laabto kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa durba bilowday raadinta tababare ku meel gaadh ah oo la wareega kooxda si uu u badalo Ruben Amorim.

Xiddigii hore ee kooxda Darren Flechar ayaa si ku meel gaadh ah loogu dhiibay xilka kooxda ka hor kulamada bartmaha todobaadkan.

Ole Gunnar Solskjær oo horay tababare ugu soo noqday Man United ayaa doonaya in uu ku soo laabto kooxda ka ciyaarta Old Trafford.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in Ole Gunnar Solskjær uu sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee maamulka kooxda Man United.

Xitaa tabaabre Ole Gunnar Solskjær ayaa xiddigii hore ee kooxda Jonny Evans u diyaarsaday in uu noqdo caawiyihiisa hadii uu la wareego xilka United.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga