Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Marcus Rashford Qaybtii Nasashada Kulankii Ac Milan.

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu Marcus Rashford badal ugu sameeyay qaybtii Nasashada ee kulankii Ac Milan kadib markii uu xiddigu dareemay xanuun yar.

Xiddiga reer England ayaa la badalay qaybtii Nasashada itada oo lagu badalay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo dhaliyay goolka guusha.

Inkasta oo ay fiicnayd soo laabashada Paul Pogba hadana waxa taageerayaasha United wel-wel ku abuuray badalkii lagu sameeyay Marcus Rashford.

“Waxa uu dareemay xanuun yar”ayuu Solskjaer ku jawaabay markii wax laga waydiiyay sababtii ka dambaysay badalka Rashford.

“Waxa aan diidnay in aanu khatar galino waxa aan rajaynayaa in uuna dhaawac xun ahayn”ayuu sii raaciyay.

Rashford ayaa dhaawacyo la dhibaattoonayay kulamadii ugu dambeeyay isaga oo kulamo dhawr ah kaga maqnaa kooxdiisa dhaawacyo kala kulan wakhtigii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*