Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharaxay Sababta Uu Kaydka U Dhigay Cristiano Ronaldo Kulanka Everton.

Tababaraha Kooxda man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa go’aan lama filaan ah sameeyay kadib markii uu kaydka dhigay xiddiga Cristiano Ronaldo kulanka Everton.

Solskjaer ayaa booska Ronaldo ku bilaabay xiddiga Edinson Cavani kaas oo kulamadii ugu dambeeyay kaydka u fadhiyay Cristiano Ronaldo.

Isagoo sharraxaya go’aankiisa Solskjaer ayaa yidhi”Hagaag, Arbacadii waxa aan ciyaarnay kulan adag oo aan dadaal badan samaynay sidaas darteed waxa aan u baahanahay lugo aan daalanayn”.

“Waxa aan doonaynaa in aan si fiican ku bilaabano kulanka waxana aan haysanaa xiddigo waaweyn oo go’aamin kara kulanka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*