Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharaxay Sababta Uu Anthony Martial Ugu Dhibaatoonayo Man United

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Sharaxay Sababta Uu Anthony Martial Ugu Dhibaatoonayo Man United xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 23 gool 48 kulan xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda ka caawiyay in ay gaadho Semi-finalka Europa Leageu.

Laakiin xiddiga 24 jirka ah ayaa kaliya dhaliyay 2 gool 15 kulan oo uu u saftay kooxda isaga oo ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Anthony Martial uu ku dhibaatoonayo diyaar garaw la’aanta xilli ciyaareedkan arintaasna sabab u tahay qaab ciyaareedkiisa liita ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin Solskjaer ayaa sheegay in uu hob in uu Martial gaadhi doono heerkiisa ugu sareeya kulamada soo socda ee xilli ciyaareedka.

“Anthony waxa uu qabtay shaqo fiican xilli ciyaareedkii hore waxana uu dhaliyay gooal badan”ayuu yidhi ka hor kulanka champions League ee salaasada.

“Laakiin sida xiddigokale oo badan ma helin isku diyaarin fiican oo xilli ciyaareedka ah waxana uu kulamo ku seegay ganaax sidaas darteed waxa uu ku dhibaatoonayaa qaab ciyaareedka”.

“Laakiin waxa aan rajaynayaa in uu si adag u shaqeeyo oo uu ku soo laabto qaab ciyaareedkiisii fiicnaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*