Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharaxay Go’aankii Uu Kaydka Ku Dhigay Bruno Fernandes.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa difaacay go’aankii uu kaydka ku dhigay xiddiga Burno Fernandes kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay FA Cup-ka kooxda Leicester City isaga oo sheegay in uu nasiyay xiddiga.

Man United ayaa ka hadhay wareega 8 dhamaadka FA Cup-ka kadib guuldaro 3/1 ah oo ay kala kulantay kooxda Leicester City tababare Solskjaer ayaana sheegay in uu nasiyay xiddiga Bruno Fernandes kulankaas maadama uu kulamo badan ciyaaray.

Bruno ayaa ah xiddia ugu fiican kooxda Man United xilli ciyaareedkan waxana uu ku soo galay badal laakiin kooxdiisa kama caawin in ay iska xaadiriso wareega xiga.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa badal ku soo galay ciyaarta iyada oo Leicester City 2/1 ku hogaaminayso ciyaarta daqiiqadii 64-aad waxana uu ku fashilmay in uu badalo ciyaarta.

“Shax walba oo aan doorto sabab ayaa ka dambaysa”ayuu Soslkjjaer yidhi.

“Burno waxa uu ciyaaray daqiqiad kasta kulamdeena waxana uu jabiyay rikoodho badan sidaas darteed wiilku waa bani aadam”.

“Waxa uu ciyaaray kulan kasta 3 ama 4 maalin oo kasta”.

“Waxa aan fursad siiyay Donny Van de Beek iyo Paul Pogba si ay isaa garab ciyaaraan Bruno-na uu u helo nasiino”ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*