Ole Gunnar Solskjaer Oo Qirtay In Uu Ka Niyad Jabsanyahay Qayb Ka Mid Ah Ciyaarta Bruno Fernandes Inkasta Oo Uu Kaligiis United Ku Hogaamiyay Guusha Kulankii Everton.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu mararka qaar ka niyad jabo heer ciyaareedka xiddiga Burno Fernandes.

Xiddiga reer Portugal ayaa United ku hogaamiyay guul kulankii Everton isaga oo laba gool dhaliyay midka 3-aadna caawiye ka noqday.

Si kasta ha ahaatee xilli uu Solskjaer amaanay xiddigiisa 26 jirka ah hadana waa uu sheegay in uu mararka qaar ka niyad jabo heer ciyaareedkiisa.

“Qaab ciyaareed cajiib ah, dabacan waxa uu hogaamiyay wiilasha waxana uu leeyahay ka go’naansho garoonka dhexdiisa ah”.

“Laakiin marar qaar waxa aan ka niyad jabaa qaab ciyaareedkiisa sababta oo ah waxa uu baas dhiibaa meel aan looga baahnayn”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*