Ole Gunnar Solskjaer Oo Qirtay Cida Masuulka Ka Ah Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Chelsea.

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in doorashadii shaxdiisu ayna shaqyan kadib markii uu badalay shaxdiisa sababna u noqotay in ay la kulanto guuldaradii ugu horaysay kadib 17 kulan oo guuldaro la’aan ah.

Red Devils ayaa laga reebay tartanka FA Cup-ka kadib guuldaro 3/1 ah oo ka soo gaadhay Chelsea kulan semi-finalka FA Cup-ka ahaa.

United ayaa kulanka gashay iyaga oo ugu cad- cad kadib markii ay 3 jeer garaaceen kooxda chelsea xilli ciyaareedkan.

Laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa badalay shaxdiisa isaga oo ka dhigay 3-4-1-2 isaga oo Bruno Fernandes ka daba ciyaarsiiyay xidigaha Daniel James & Marcus Rashford.

Fred iyo Matic ayaa khadka dhexe ka ciyaaray xilli ay xiddigaha Martial iyo Pogba kaydka galeen waxana uu Solskjaer qirtay in uu sameeyay khaladka sababta u noqday guuldarada.

“Waxa aan doortay shax aan aaminsanaa in ay na siin doonto fursada ugu fiican ee aan ugu gudbi karno final-ka FA Cup-ka”ayuu Solskjaer yidhi.

“Laakiin may shaqayn shaxdii aan doortay, markii dambe wax ayaan ka badalay markii uu Eric Bailly baxay laakiin waxba isma badalin”.

“Ma jirto wakhti aan dareeno niyad jab waxa noo hadhay 2 kulan kadib Europa League”.

“Waxa aan kor u qaadi doonaa madaxeena waxana aan u diyaar garoobi doonaa kulamada noo hadhay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*