Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kooxdiisa Kulankii Villarreal, Mana Ahan Cristiano Ronaldo.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa amaanay goolhayihiisa reer Spain David de Gea, isagoo carabka ku adkeeyay inuu yahay goolhayaha ugu fiican adduunka.

Goolhayaha reer Spain ayaa Man United ka caawiyay inay ka badiso kooxda Villarreal kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedkan.

De Dea ayaa soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa kooxda Man United isaga oo sameeyay badbaadino cajiib ah intii ay socotay ciyaartu.

“Nasiib wanaag annaga caawa waxaan haysannay goolhayaha ugu fiican adduunka,” ayuu Ole Gunnar Solskjaer ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Wuxuu intaas ku daray, “David de Gea waxa soo maray wakhti adag umana ciyaarin xulka qarankiisa laakiin waxa uu ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxana uu muujiyay tayadiisa”.

“Waxa uu na badbaadiyay kulankii Villarreal Marar badan waxana uu u qalmaa in uu noqdo xiddiga ugu fiican kulanka”.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*