Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay 4 Xiddig Oo Man United Ka Caawin Kara Ku Guulaysiga Premier League.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa kashifay 4 xiddig oo kooxdiisa ah kuwaas oo Man United ka caawin kara ku guulaysiga horyaalka premier League.

Man United ayaa dhibco cadaan ah ku qaban karta horyaalka premier League hadii ay caawa ka badiso kooxda Burnley kulan baaqi u ahaa kooxda.

Solskjaer ayaana sheegay in ay jiraan 4 xiddig oo horay ugu soo guulaystay horyaal hadii ay tahay premier League ama horyaalo kale ay kooxdiisa ku riixi karaan ku guulaysiga horyaalka premier League.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan diirada saarnayaa dabeecadeena iyo hogaamiyayaasha qolka Labiska”.

“Waxa aan haysanaa Nemanja Matic oo ku guulaystay horyaalka premier League, Juan Mata sidoo kale ku guulaystay premier League”ayuu Solskjaer yidhi.

“Edinson Cavani & Bruno Fernandes ayaa sidoo kale horyaalo ku soo guulaystay ka hor intii ayna Iman kooxda waxana ay naga caawin karaan ku guulaysiga premier League”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*