Ole Gunnar Solskjaer Oo Loo Sheegay In Uu Kaydka Dhigo Kulanka Arsenal & Sababta Oo Loo Sheegay

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in uu xiddiga Marcus Rashford ku bilaabo kaydka kulanka ay United la ciyaari doonto Arsenal Axada sabab la xidhiidha in uu weeraryahanku cadeeyay in uu saamayn weyn ku yeesho marka uu kaydka ka soo koco.

Rashford ayaa saddexley kaydka kala soo kacay kulankii ay Man United 5/0 ku garaacday kooxda RB Leipzig isaga oo saddexley dhaliyay kaliya 27 daqiiqo kadib markii uu badal ku soo galay daqiiqadii 63-aad.

“Marcus Rashford waa badalka ugu cajiibsan, waana in uu kaydka ku bilowdo kulanka ay United la ciyaari doonto Arsenal”ayuu yidhi xiddigii hore ee Arsenal.

“Ole Gunnar Solskjaer waa in uu inta badan kaydka ku bilaabo sababta oo ah xogta ayaa sheegaysa in uu yahay xiddiga ugu halista badan marka uu kaydka ka soo koco”.

“Marka uu ku bilowdo ciyaarta inta badan ma dhaliyo goolal badan wuuna ku dhibaatoodaa laakiin markii uu kaydka ku soo galay waxa uu dhaliyay saddexley kaliya 16 daqiiqo oo uu ciyaarta ku jiray arintaas ayaana kuu sheegaysa wax walba”.

“Waxa uu dhaliyay gool kulankii Luton daqiiqadii 88-aad ee tartanka Carabao cup-ka, waxa uu dhaliyay gool qaybtii dambe ee kulankii Brighton, waxa uu dhaliyay gool wakhti dambe ah kulankii Newcastle dhamaan goolashiisa kulankii RB Leipzig waxa ay yimaadeen qaybtii dambe”.

“Kulanka Arsenal waxa uu noqon doonaa mid adag hadii ay tahay 0-0 marka ay marayso 60 daqiiqo hadii uu Rashford soo galo, waa marka ay daafacyadu daalanyihiin waxa uu yeelan doonaa go’aanka ugu dambeeya”.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Turkey-ga Kadib Dhul Gariirkii Izmir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*