Man United Oo Loo SheegayIn Ay U Baahantahay Wax Ka Badan Kaliya Jadon Sancho Si Ay Ugu Tartanto Horyaalka.

Xiddigii hore ee kooxda Man United Andy Cole ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay ka fogaato in ay lacag badan ka bixiso Jadon Sancho lacagtaasna ku xoojiso boosas kale oo kooxda ah.

Weeraryahanka oo Solskjaer kaga soo garab ciyaaray Old Trafford ayaa haatan tababaraha kula taliyay in uu dib uga fikiro qorshihiisa suuqa.

Man United ayaa ku rajo weyn in ay dhamaystiri doonto saxiixa Jadon Sancho inkasta oo ay Borussia Dortmund ku adkaysanayso in ayna si dhib yar ku fasixi doonin xiddiga.

“Keenista Jadon Sancho lama macno ahan in ay Man United ku guulaysan doonto premier League xilli ciyaareedkan, aad ayay uga fogtahay”ayuu Cole u sheegay TEAMtalk.

“Waa wiil tayo leh, run ahaantii tayo fiican leh laakiin wax walba kama badali doono United”.

“Hadii aanad helin Sancho waxa aad u dhaqaaqi kartaa xiddig kale, waxa laga yaabaa in aad hesho xiddig ka fiican oo kuu qabta shaqo fiican”

“Mararka qaar waxa laga yaabaa in uu wakhtigu kaaga dhoco xiddigaha waaweyn laakiin waxa laga yaabaa in aad hesho xiddig ka fiican xitaa hadii uu ka magac yaryahay”.

“In ay United lacagta ay ku doonayso Sancho ku keento 2 ama 3 xidig ayaa ah wado fiican”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*