Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Xiddigaha Seegi doona Kulanka RB Leipzig Ee Champions League.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha kooxdiisa ee ka maqnaan doona kulanka champions League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto RB Leipzig.

Kooxda Man United ayaa RB Leipzig ku marti galin doonta garoonka Old Trafford kulankoodii 2-aad ee wareea Group-yada tartanka champions League.

Ole Gunnar Solskjaer Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Labada xiddig ee seegi doona kulanka waa Jesse Lingard iyo Eric Bailly”.

Isaga oo ka hadlaya xiddigaha Paul Pogba, Matic iyo Donny Van de Beek ayaa yidhi” Saddexdooduba waxa ay heli doonaan fursadooda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*