
Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa hoosta ka xariiqay waxa ay kooxdiisu u baahantahay si ay caawa u garaacdo kooxda Liverpool kulanka FA Cup-ka.
Labada kooxood ayaa caawa isaga hor iman doona Old Trafford todobaad ka dib markii ay bar-baro galeen kulan premier League ah Axadii hore.
Liverpool ayaan badin 5-tii kulan ee ugu dambeyay ee horyaalka premier League sidaas darteed United ayaa ugu cad-cad in ay guul gaadho kulanka caawa.
Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa rumaysan in ay kooxdiisu muhiimada siiso dhamaystirka fursadaha si ay u garaacdo kooxda Liverpool.
Ole Gunnar Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan weerari doonaa mar walba oo aan kubada haysano”.
“Waxa aan doonaynaa in aan horay u socono waliba guul gaadhno kadib bar-barihii Anfield”.
“Waxa aan garaaci karnaa Liverpool hadii aan ka faa’iidaysano fursadaha aan helno waliba dhamaystirno”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment