Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Saxiix Uu Cristiano Ronaldo Si Shaqsi Ah Ugula Taliyay In Ay Man United Dhamaystirto

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday inuu la tashaday Cristiano Ronaldo ka hor inta aysan Manchester United go’aansan inay la soo saxiixato Bruno Fernandes.

Xiddiga reer Portugal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu 67-ka milyan ugu soo biiray Old Trafford suuqii January.

United ayaa si aad ah u qiimeysay Fernandes laakiin Solskjaer ayaa doonayay inuu wax badan ka ogaado dabeecada 25 jirkaan ka hor inta uusan ogolaanin heshiiska.

Fernandes iyo Ronaldo Ayaa si fiican isku garanaya maadama ay isaga garab ciyaaraan xulka qaranka Portugal walba labadooduba door muhiim ah ka ciyaareen ku guulaysigii xulka qaranka Portugal ee National League sanadkii hore.

Solskjaer ayaana Lambarka Ronaldo waydiiyay Patrice Evra isaga oo xiddigii hore ee Man United macluumaad dheeri ka waydiiyay Fernandes.

“Waxa aan leenahay madax indha-indheeya wax, waxa aan leenahay dad wax walba falanqeeya oo kala dhig-dhiga laakiin waxa aad indhahaaga ku arkaysaa tayadiisa”Solskjaer ayaa u sheegay Podcast Performance Podcast Sare.

“Kadib waxa aad la hadlaysaa saaxiibo ay iska garab ciyaareen xulka qaranka”.

“Sidaas darteed Cristiano ayaa ahaa qofkii iigu dhawaa”.

“Waxa aan la xidhiidhay Patrice Evra kaas oo aan ka helay Lambarkiisa kadib waxa aan la xidhiidhay Cristiano si aan u waydiiyo Fernandes”.

Sii Akhriso: XASAASI: Taliyaha Ciidamda Xooga Dalka Somalia Oo Qarax Ka Badbaaday .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*