Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Meelaha Ay Man United Horumarka Ka Samaysay Tan Ilaa Markii Uu Kooxda Yimid.

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ay kooxdiisu horumar ka samaysay laba boos xilli ciyaareedkan.

United ayaa qaab ciyaareed fiican ku Jirta tan ilaa January iyaga oo 19 guuldaro la’aan ahaa ka hor intii ayna Guuldaro kala kulmin chelsea FA Cup-ka.

Qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jiraan xiddigaha Marus Rashford, Anthony Martial iyo waliba Mason Greenwood ayaa Man United ka caawiyay in ay qarka u saarantahay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Solskjaer ayaa sheegay in ay kooxda is badal weyn oo badan  ku dhacay tan ilaa markii uu shaqada ka Badalay Jose Mourinho.

“Arrimo badan, sababo badan, aaminaad, hadii aad fiiriso kulankii Burnley waxa ay ahayd in aan badino laakiin waxa ay ka mid tahay kubada cagta iyo premier League”.

“Aaminnimada, kalsoonida, is badalka Jawiga, Imaatinka Bruno Oo Saamayn weyn ku sameeyay qaab ciyaareedkeena”.

“Waxa taam noo noqday xiddigaha ugu fiican kooxda waxa ay ahayd sababo kala duwan laakiin xiddiguhu waxa ay u shaqeeyeen talaab-talaabo iyo waliba si adag iyo heerka taam ahaanshaha oo aad uga fiican xilli ciyaareedkii hore”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*