Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Luke Shaw & Brandon Williams Kadib Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Kulankii Southampton.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajeynaya ‘war wanaagsan’ madaama uu ka walaacsan yahay natiijada baaritaanka dhaawac kuraanta ah ee soo gaadhay xiddiga Luke Shaw kaas oo ku dhaawacmay intii ay socotay kulankii ay Man United bar-baraha 2/2 ah la gashay Southampton.

Luke Shaw ayaa ku bilowday daafaca Bidix ee kooxdiisa kulanka isaga oo waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah laakiin dhaawac kuraanta ah uga baxay ciyaarta.

“Luke Waxa uu ka dhaawacmay Kuraanta”ayuu yidhi tababaraha Man United.

“Waxa aan rajaynayanaa in aanu helno war fiican marka baadhitaan lagu sameeyo”.

Shaw ayaa lagu badalay da’yarka Brandon Williams laakiin xididga ayaa ka dhaawacmay madaxa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta isaga oo kooxdiisa uga tagay 10 xiddig.

“Run ahaantii waxba kama odhan karo Brandon sababta oo ah waxa markiiba loo qaaday Cusbitaal waxan u malanayaa in laga tolayo madaxa gaar ahaan isha dusheeda, waan eegi doonaa waxa dhaca”.

Sii Akhriso: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Soo Hor Jeestay Go’aanadii Ka Soo Baxay Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*