Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Luke Shaw & Harry Maguire Ka Hor Kulanka Champions League.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo jeediyay in Luke Shaw iyo Harry Maguire ay seegi doonaan kulanka Champions League ee Manchester United ay la ciyaari doonto Villarreal bartamaha asbuuca.

Labada ciyaaryahan ayaa la bedelay kulankii ay United guuldarrada 1-0 kala kulantay Aston Villa kaddib markii ay dhaawacmeen waxaana lagu beddelay Diogo Dalot iyo Victor Lindelof.

Dhaawacyada ayaa wal-wal ku keenay tababaraha ka hor kulanka Villarreal oo ah kooxdii Man United rikoodhayaasha kaga hor qaaday koobka Europa League xilli ciyaareedkii hre.

Tababare Solskjaer ayaana war xun ka sheegay xaalada labada xiddig ka hor kulanka Ay la ciyaari doonaan Villarreal kulankoodii 2-aad ee wareega Group-yada champions League.

Wuxuu BBC -da u sheegay: “Waqtigan xaadirka ah uma wanaagsana Arbacada laakiin aan aragno.”

“Kuma sheegi karo. Waa inaan sugaa dhowr maalmood oo aan arko sida ay yihiin.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*