
Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in ay xiddigaha Paul Pogba, Victor Lindelof & Luke Shaw shaki ku jiro taam ahaanshohooda kulanka Burnley laakiin rumaysan in ay 3-da xiddigba taam u noqon doonaa kulanka Liverpool.
Dhamaan 3-da xiddig ayaa seegay kulankii FA Cup-ka ee ay guusha 1/0 ah ka gaadheen kooxda Watford.
Nooca dhaawacyada ayaan ilaa haatan la ogayn laakiin Solskjaer ayaa isha ku hayn doona xaalada 3-da xiddig ka hor inta uuna go’aan qaadan ka hor kulanka Bunrley.
Markii la waydiiyay in ay 3-da xiddig taam u noqon doonaan kulamada soo socda ayuu yidhi”Waan rajaynayaa, Waan Rajaynayaa in ay dhamaan taam u noqon doonaan kulanka Liverpool”.
“Ma hubo in ay taam u noqon doonaan kulanka Burnley”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Be the first to comment