Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Ronaldo Dalbaday In Uu Badalo Shaxda Kooxda

Ole Gunnar Solskjaer ayaa beeniyay wararka sheegaya in Cristiano Ronaldo u sheegay in uu ka codsaday tababarihiisa in uu badalo shaxdiisa si uu u dhalito goolal ka badan inta uu haatan u dhaliyay kooxda.

Shabakada ESPN ayaa sheegtay in uu Ronaldo Solskjaer u sheegay in uu badalo shaxda kooxda Man United ku ciyaarto waliba ay daafacyadu si dakhso ah kubada u geeyaan weerarka.

Markii la weydiiyay wararka ku xeeran Ronaldo isbuucaan, Solskjaer ayaa qoslay wuxuuna u sheegay suxufiyiinta: ‘Taasi waa mid kale. Wow, maxaad taas uga jawaabi kartaa?

“Waxa aan ka wadahadalnay waxa ay joogi doonaan dhexdeena  laakiin arimahaas kamaanu wadahadalin”.

Kooxda Man United ayaa sabtida marti galin doonta kooxda Everton kulan ka tirsan todoabadkii 7-aad ee horyaalka premier League.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*