Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League Kadib Guushii Wolves.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay fursadaha kooxda Man United ee ku guulaysiga horyaalka premier League kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Wolves premier League kana caawisay in ay kaalinta 2-aad ka galaan kala saraynta.

Kooxda Man United ayaa 2 dhibcood u jira kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Liverpool kadib guushii ay ka gaadheen Wolves.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa wax laga waydiiyay in ay kooxda United ku jirto hanashada horyaalka ayaa ku jawaabay”Ma jiro tartan horyaal ah kadib 15 kulan oo la ciyaaray”.

“Waxa aad lumin kartaa fursada aad ugu tartami karto horyaalka kadib 10 kulan”.

“Laakiin marka aan ciyaarno 15 kulan oo kale oo aan 30 kulan gaadhno waxa aan ka hadli doonaa hanashada horyaalka, mara la gaadho bisha march ama April waan eegi doonaa”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*