Ole Gunnar Solskjaer Oo Jadon Sancho U Sheegay Qaabka Uu Horumar U Samayn Karo.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Xiddiga ku dhibaatoonaya kooxdiisa ee Jadon Sancho u sheegay sidii uu horumar u samayn lahaa kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda.

Xiddiga ayaa wax weyn laga filaay kadib markii uu 73 milyan oo euro ugu soo biiray United kagana soo biiray kooxda Borussia Dortmund.

Laakiin xiddiga 21 jirka ah ayaa ku dhibaatoonaya ilaa haatan xilli ciyaareedka isaga oo ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo.

In kasta oo ay ku adag tahay Sancho inuu la qabsado nolosha United iyo Premier League, Solskjaer wuxuu sheegay inuu leeyahay aaminaad buuxda weeraryahanku wuxuu caddeyn doonaa guul.

Solskjaer ayaa yidhi: “Jadon wuxuu ahaa mid cajiib ah kulankii Villarreal”.

“Waxa uu ahaa mid dar-dar leh waxana uu xidhiidh fiican la yeeshay taageerayaasha kooxda”.

“Waa waxa aan isaga ka doonayno, in uu noqdo mid toos ah, waliba marar badan u gambiya xiddigaha kooxaha kale”.

“Haa wali ma dhalin wax gool ah laakiin waxa uu u ciyaarayaa si fiican”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*