Ole Gunnar Solskjaer Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiddiga Wacdaraha Dhigaya Ee Jesse Lingard

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in aanu xiddiga Jesse Lingard si toos ah uga tagi doonin kooxda Man United marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay West Ham tan ilaa markii uu ku biiray suuqii January isaga oo dhaliyay 8 gool iyo 4 caawin kaliya 9 kulan oo uu ciyaaray.

Kooxda West Ham ayaa doonaysa in ay si toos ah ula wareegto xiddiga reer England halka ay Arsenal sidoo kale xiiso u muujisay saxiixiisa ka hor suuqa kaal iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu doonayo in uu Jesse Lingard ku soo laabto kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan maadama uu ka mid yahay qorshihiisa.

“Jesse waxa uu ku jira qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii uu baxay, waanu awoodnay in aan kooxda ku sii hayno sababta oo ah waxa uu ku jiray qorshahaysa laakiin way fiicantahay in uu si fiican u ciyaaray”.

“Waxa uu qabtay shaqo fiican waxana aan kooxda dib ugu soo dhawayn doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*