Ole Gunnar Solskjaer Oo Fariin U Diray Donny Van de Beek Kadib Markii Uu Kadyak Dhigay Mar Kale.

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa hoos u dhigay baqinta laga qabo sida hoose ee uu Saxiixa cusub ee Donny Van de Beek ku bilowdayy noloashiisa Man United kadib markii uu xiddigu mar kale seegay kulankii ay United bar-baraha la gashay Chelsea.

Xiddiga 40-ka milyan ugu soo biiray United suuqii xagaaga ayaa wali sugaya in uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League.

arintaas ayaa keentay in su’aal laga keeno sababtii ay Man United ula soo saxiixatay xiddiga reer Holland 40-ka milyana uga soo bixisay.

Markii la weydiiyay waxa Van de Beek u baahan yahay inuu sameeyo si uu uga soo muuqdo shaxda United ayuu Solskjaer yidhi”Maya, haka wal-walin arintaas”.

“Wuu ciyaari doonaa kulamada, haka wal-walin arintaas, waa wax fudud in aad sheegto cida ciyaari karta laakiin way adagtahay in aad sheegto cida aan ciyaari karin”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*