Ole Gunnar Solskjaer Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararkii Sheegayay Dhaawaca Pogba & Bruno Fernandes

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay wararkii xalay qabsaday wargaysyada ee ku saabsanaa dhaawac soo gaadhay xiddigaha khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

Wargaysyo kala duwan oo England ah ayaa xalay shaaciyay in uu dhaawac soo gaadhay xiddigaha Paul Pogba iyo Bruno Fernandes xilli ay ku jireen tababarka kooxda ee isku diyaar kulamada.

Xitaa warar ayaa sheegayay in uu Paul Pogba sabab u ahaa dhaawaca kadib markii uu ku booday Bruno oo haysta kubada xilli ay isku diyaarinayaan kulamada.

Tababare Solskjaer ayaa wax laga waydiiyay wararkii la isla dhexmarayay ee ku saabsanaa dhaawaca xiddigaha khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

“Waxa la ii sheegay xalay waan la yaabay markii aan marlay arintaas”ayuu Solskjaer yidhi

“Waxa sheekadaas la ii sheegay xalay laakiin waa qayb ka mid ah kubada cagta mar walbana waxa jira warar xan ah”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Qaraxyo Is Miidaamin Ah Oo Si Talan-Taali Ah Uga Dhacay Meelo Ka Mid Ah Somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*