Ole Gunnar Solskjaer: Man United Aad Ayay Ugu Dagaalamaysaa Edinson Cavani.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay dagaal adag la geli doonto sidii Edinson Cavani loogu sii hayn lahaa kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Man United kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Tottenham Hotspur Sabtidii isaga oo dhaliyay gool madax ah laakiin mustaqbalkiisa wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedkaan weli ma cadda.

Cavani ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo South America iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Boca Juniors si uu ugu dhawaado qoyskiisa, laakiin Solskjaer ayaa sheegay in ayna wax qarsoodi ah ka jirin rabitaanka Man United ee ah in ay xiddiga sii haysato.

Isaga oo la hadlaya Sky Sports News, Solskjaer ayaa yidhi:”Waxa aan la yeelanay wadahadalo hordhac ah wax qarsoodi ah kuma jiro in aan doonayno in aan sii haysano”.

“Waxa uu ka fikirayaa mustaqbalkiisa waxana uu ogyahay waliba fahamsanyahay in aan doonayna in uu sii joogo Old Trafford sidaas darteed waan sugi doonaa waxa dhaca”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*