Oblak, Messi, Traore, Kepa, Aubameyang & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo la filayo in uu suuqa kala iibsiga xagaagu furmo kadib marka ay dhamaadaan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay kooxda Leicester City kaas oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Harvey Barnes (Mirror).

Kooxda Man United ayaa isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak (Sun).

Kooxda Inter Milan ayaa Man United u soo bandhigtay xiddiga Ivan Perisic si ay iyaguna toos ugula wareegaan xiddiga Alexis Sanchez (Football Italia).

Liverpool ayaa wadahadalo la qaadatay kooxda Schalke oo ay ka doonayso daafaca dhexe ee Ozan Kabak (Mail).

Juventus ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Paulo Dybala (Goal).

Madaxweynaha Kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay in uuna Lionel Messi meelna uga socon Barcelona waliba heshiis cusub u saxiixi doono kooxda (Mundo Deportivo).

Madaxweynaha Kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa Goolhayaha Marc-Andre ter Stegen u sheegay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda (Mundo Deportivo).

Chelsea ayaa dardar gelineysa wadahadalada ay kula jirto kooxda Bayer Leverkusen ee ku aadan Kai Havertz ka dib markii ay u soo baxeen Champions League xilli ciyaareedka soo socda (Mail).

Kooxda Liverpool ayaa gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga kooxda Wolves ee Adama Traore (Sports Mole).

Kooxda Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 27 milyan ah ka gudbiso xiddiga kooxda Getafe ee Marc Cucurella (Sports Mole).

Kooxda chelsea ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay Ac Milan u soo bandhigayso xiddiga khadka dhexe ee Jorginho si ay u hesho badalkiisa xiddiga Ismael Bennacer (Sports Mole).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa Xiddiga kooxda Man United ee Diogo Dalot (Express).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay Goolhaye Kepa Arrizabalaga ka iibiso PSG laakiin lacag badan khasaarto (Express).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Wolves ee Raul Jimenez hadii ay kooxda ka tagaan Alexandre Lacazette Ama Pierre-Emerick Aubameyang (Mirror).

Sii Akhriso: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Dani Oo Kashifay Cida Ka Dambaysay Xil Ka Qaadistii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*