Xiddiga kooxda Arsenal ee Noni Madueke ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa hogaaminaysa champions League heerka Horyaalka iyada oo leh 18 dhibcood 6 kulan oo ay ciyaartay.
Gunners ayaa garaacday kooxda Club Brugge kulan ay sii xoojisay hogaankeeda Iyo in ay u gudubto wareega xiga ee tartanka.
Xiddiga Noni Madueke ayaana aaminsan in ay kooxdiisu ku guulaysan karto tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
“Waxaan dareemayaa inaan ku guuleysan karno Champions League-ka”ayuu Yidhi Madueke.
“Waxaan dareemayaa inaan sidoo kale ku guuleysan karno Premier League-ga,” ayuu u sheegay TNT Sports.
Be the first to comment