Nkunku, Neymar, Tchouameni, Bastoni, Oxlade-Chamberlain, Morata, Rashford, Mane & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2021/2022 kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay qorshohooda suuqa kala iibisga xagaaga.

Kooxaha kaal duwan ayaa haatanba bilaabi kara in ay la saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan inkasta oo uuna wali si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsigu.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Kooxda chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku (Goal).

Chelsea ayaa sidoo kale isku dayaysa in ay Real Madrid ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco urelien Tchouameni (Goal).

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Chelsea si uu ula midoobo Tababare Thomas Tuchel (Times).

Kooxda Arsenak ayaa si dhaw ula socota xaalada xiddiga Alvaro Morata iyaga oo doonaya in ay xiddiga keenaan kooxda suuqa xagaaga (Tuttosport).

Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich ee Serge Gnabry (Christian Falk).

Kooxda Arsenal ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay xiddiga Eddie Nketiah kaas oo ku dhaw in uu ogolaado heshiiska cusub (Mail).

Kooxda Real Madrid ayaa loo sheegay in ay bixiso lacag dhan 120 milyan ah hadii ay doonayso xiddiga garabka uga ciyaara Ac Milan ee Rafael Leao (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Liverpool ayaa suuqa dhigtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdeeda ee Alex Oxlade-Chamberlain (Mirror).

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa sheegay in uu go’aamin doono mustaqbalkiisa Liverpool kadib Final-ka champions League (Echo).

Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Ajax ee  Jurrien Timber (Sun).

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay heshay dalabyo looga doonayo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong (Sun).

Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Neymar hadii ay hesho dalabyo fiican suuqa xagaaga (Sun).

Kooxda Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Marcus Rashford iyaga oo u arka badalka Serge Gnabry (Star).