Nkunku, Haaland, Neymar, Mbappe, Rashford & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga

Waxa xidhan suuqa kala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kala duwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

Kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa 52 milyan oo euro ka bixinaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara RB Leipzig ee Christopher Nkunku suuqa xagaaga (Bild).

Xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa ka fiirsaday in uu ku biiro kooxda Liverpool ka hor intii uuna go’aansan in uu ku biiro Man City (Star).

Xiddiga Weerarka uga ciyaara Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa sheegay in uu u doortay kooxda Arsenal sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka Mikel Arteta (ESPN).

Xiddiga weerarka uga ciyaara PSG ee Kylian Mbappe ayaa maamulka PSG ka codsaday in ay la soo saxiixdaan xiddiga Man United ee Marcus Rashford suuqii xagaaga (RMC Sport).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay qaab xor ah xagaaga dambe kula wareegto xddiga kooxda Man United ee Diogo Dalot (Calciomercato).

Juventus ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Jordi Alba marka la gaadho suuqa kala iibsiga January (Sport).

Tababaraha cusub ee kooxda chelsea Graham Potter ayaa diyaar u ah in uu wadahadalo mustaqbalkiisa ku saabsan la galo Romelu Lukaku (Fottball Insider).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Manuel Locatelli marka la gaadho suuqa January (Calciomercato).

Xiddiga kooxda Wolves ee Ruben Neves ayaa xagaagii iska diiday dalabyo uga yimid kooxaha Liverpool iyo Man United (Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhaw in ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara ee Eder Militao (Fabrizio Romano).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Andreas Schjelderup kaas oo lagu naanayso “Haaland”-ka Cusub (Express).