Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ka maqnaan doona koobka adduunka sanadkan sidii sanadihii ugu dambeeyay.
Xulka Talyaaniga ayaa guuldaro kala kulmay xulka Bosnia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka loogu soo baxaya koobka adduunka.
Xulka Talyaaniga ayaa gool ku horumaray laakiin waxa ay ciyaarta ku dhamaysteen 10 xiddig kadib markii kaadhka cas looga saaray xiddig.
Ciyaarta ayaa 120-keedii daqiiqo ku dhamaatay bar-baro 1/1 ah kadib markii ay is dhaafi waayeen labada xul.
Laakiin xulka Talyaaniga ayaa looga badiyay rikoodhayaal 4/1 ah waxana ay markii 3-aad oo xidhiidh ah ka maqnaan doonaan koobka adduunka.
Markii ugu dambaysay ee xulka Talyaaniga ka qayb galay koobka adduunka ayaa ahayd sanadkii 2014 markaas oo tartanka lagu qabtay dalka Brazil.
Be the first to comment