Nicolas Pepe Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Xaaladiisa Emirates Staduim.

Xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal Nicolas Pepe ayaa qirtay inuu ka careysan yahay in uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Arsenal isaga oo ka dambeeya xiddiga cusub ee Willian kuna bilowday kaliya hal kulan premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Nicolas Pepe ayaa laakiin ku bilowday dhamaan 3-da kulan ee Europa League xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 2 gool mid kalena caawiye ka noqday.

Isagoo la hadlaya Canal Plus, Pepe ayaa yidhi”U Jeedkaygu waa in aan ciyaaro kulamo badan, in aan helo daqiiqiiqado badan oo aan ciyaaro, xiddig ciyaara ayaa farxad dareema, aniga ahaan waxa aan doonayaa in aan si joogto ah u ciyaaro si aan mar kale farxad u dareemo”.

“Arteta waxa uu doonayaa in aan 100% diirada saaro 90-ka daqiiqo ee kulanka, laakiin waxa aan tababarka ku ogaadaa in aan kaydka gali doono kulanka xiga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*