Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester United ayaa magacaabay laba hoggaamiye oo ku jira kooxda Arsenal ee hadda.
Wuxuu arrintan kaga hadlay barnaamijka The Good, The Bad & The Football podcast, isaga oo la joogay halyeyga Manchester United, Paul Scholes, isagoo falanqeynaya guushii Arsenal 4-1 kaga adkaatay Tottenham Hotspur kulankii derby-ga Premier League ee Axaddii.
Butt wuxuu tilmaamay in khadka dhexe Declan Rice iyo daafaca William Saliba ay yihiin tiirar muhiim u ah kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta.
Hadalladiisa waxay yimaadeen kaddib markii Arsenal ay guul ka gaartay Spurs, taasoo ku timid labo gool oo min laba ah (braces) oo ay kala dhaliyeen Eberechi Eze iyo Viktor Gyokeres.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay tayada hoggaamineed ee Rice iyo Saliba, isagoo yiri:
“Waxaan hubaa in Declan Rice uu yahay hoggaamiye weyn, sidoo kale waxaan hubaa in William Saliba uu hoggaamiye yahay, balse waxay u baahan yihiin qof ku dhiirrigeliya oo ku yiraahda, ‘Wiilalow, waan awoodnaa tan. Waxaan nahay koox fiican”
“Waxay taas caddeeyeen shalay, waan fahamsanahay in Tottenham aysan joogin heerkii ugu fiicnaa, balse waxay ku adkaadeen 4-1,” ayuu yiri Butt.
Be the first to comment