N’Golo Kante & Reece James Oo Ka Farxiyay Chelsea Ka Hor Soo Laabashada Premier League.

Chelsea ayaa soo dhaweysay N’Golo Kante iyo Reece James oo ku soo laabtay tababarka buuxa ka hor kulanka Premier League ee ay isbuucaan la leeyihiin Brentford.

Xiddiga khadka dhexe ee Kante ayaan aadin waajibaadka xulka qarankiisa sabab la xidhiidha xanuunka Korona oo laga helay halka uu James todobaadyadii ugu dambeeyay ku maqnaa dhaawac kuraanta ah oo ka soo gaadhay kulankii Man City.

Si kasta ha ahaatee chelsea ayaa xaqiijisay in ay labada xiddigba ku soo laabteen tababarka salaasadii haatana diyaar u yihiin in ay ciyaaraan kulanka Sabtida soo socota.

James ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna dhaawacmin isaga oo dhaliyay hal gool 4 kalena caawiye ka noqday 6 kulan oo uu ciyaaray.

Dhanka kale Kante ayaa muhiim ka ah qorshaha Tuchel waxana uu aad ugu farxi doonaa in uu xiddiga ku soo celiyo shaxdiisa kulamada soo socda ee bisha October.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*