Neymar, Ronaldo, Messi, Haaland, Sterling, Grealish, Rabiot, Hazard, Pogba, Grealish, Sterling & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa saxiixi doona heshiis cusub oo kooxda Barcelona ah iyada oo Barcelona diyaarinayso heshiis 10 sano ah (TV3).

Xiddiga Lionel Messi ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si ay Barcelona ula soo saxiixato xiddiga Erling Haaland (Eurosport).

Kooxda Man City ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Raheem Sterling badalkiinana u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish (Football Insider).

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa raadinaya in uu isaga tago kooxda Juventus isaga oo kooxdiisa haatanba u sheegay in uu doonayo in uu iska tago (Tuttosport).

Wakiilka Mino Raiola ayaa sheegay in ay Real Madrid awoodo saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland (AS).

Kooxda Barcelona ayaaa xidhiidh la samaysay kooxda PSG iyaga oo wax ka waydiiyay saxiixa xiddiga Neymar (RAC1).

Kooxda chelsea ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda uventus ee Adrien Rabiot kaas oo lagu heli karo 17 milyan oo kaliya (Calciomercato).

Kooxda Juventus ayaa dib u soo celinaysa Tababare Massimiliano Allegr si uu shaqada uga badalo Andrea Pirlo (Gazzetta dello Sport).

Sergio Ramos ayaa ogolaaday heshiis 2 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda Real Madrid (AS).

Kooxaha Real Madrid iyo Man United ayaa doonaya in ay is dhaafsadaan xiddigaha Paul Pogba iyo Eden Hazard (Don Balon).

Kooxda Everton ayaa ku kalsoon saxiixa xiddiga Philippe Coutinho iyada oo uu xiddigu bilaabay in uu magaalada ka raadsado guri (Mail).

Edinson Cavani ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United (Times).

Kooxda Juventus ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes iyaga oo haatanba la xidhiidhay wakiilkiisa (Calciomercato).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay bishan dalab Rasmi ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Betis ee Guido Rodriguez (El Desmarque).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*