Neymar, Pogba, Kane, Haaland, Sancho, Lukaku & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Agaasimaha kooxda PSG ee Leonard ayaan ku qanacsanayn in uu Neymar qalinka ku duugi doono heshiis cusub oo uu kula joogi doono kooxda PSG (Marca).

Man United ayaa bilaabi doonta wadahadalo ay heshiis cusub kaga saxiixanayso xiddiga Paul Pogba iyaga oo diyaar ula ah mushahar dhan 400 kun oo Gini todobaadkii (Mirror).

Si kasta ha ahaatee hadii uu xiddigu diido in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub waxa ay ku qasbanaan doonan in ay iska iibiyaan (Mirror).

Halyeeyga Man United ee Roy Keane ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay xagaaga la soo saxiixdaan xiddigaha Harry Kane Iyo Jack Grealish (Sky Sport).

Xiddiga David Alab ayaa kooxda Real Madrid mushahar ahaan uga qaadan doona 12 milyan oo euro isaga oo la mushahar noqon doona xiddiga Sergio Ramos (AS).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Kooxaha doonaya Erling Haaland u sheegay in uuna xiddigu ka tagayn kooxda suuqa xagaaga (Mail).

Si kasta ha ahaatee kooxda Borussia Dortmund ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan xiddiga Jadon Sancho (Mail).

Kooxda Man United ayaa midkood u dhaqaaqi doonta xiddigaha Declan Rice, Wilred Ndidi ama Saul Niguez hadii ay iibiso xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Mirror).

Wakiilka xiddiga weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Robert Lewandowki ayaa kooxaha waaweyn ee reer yurub u soo bandhigay saxiixa xiddiga (Bild).

Romelu Lukaku ayaa iska diiday kooxaha chelsea iyo Man City isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay Inter Milan (Sky Italia).

Kooxda Man CIty ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leeds United ee Raphinha (Gianluigi Longari).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo wax ku ool ah la furtay kooxda Villarreal kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Pau Torres (SportItalia).

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*