Neymar Oo Qaatay Go`aan Cusub Ee Ku Aadan Mustaqbalkiisa PSG , Maxaa Soo Kordhay?

Xogo ayaa ka soo baxaya mustaqbalka Neymar ee PSG ka dib markii horay laacibka loola xariiriyay in xagaaga dambe uu ka tagayo kooxdaas.

Ilo wareedyo ayaa haatan sheegaya in Neymar uu ku war giliyay maamulka kooxda in uu doonayo in uu sii joogo kooxda .

Sidaas oo ay tahay wargeyska Le Perisen ee France ka soo baxa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in PSG aysan weli Neymar la bilaaban wadahadallo hishiis kordhin ah

Hishiiska Neymar ee PSG waxa uu dhacayaa xagaaga 2022-ka waxaana dhawaan soo baxay in Real ay si fog u qorsheyneyso in ay helaan wiilkaas reer Brazil .

Balse wargeyskaas oo soo xiganaya ilo wareedyo ku dhaw Neymar waxa uu tilmaamayaa in laacibka ay ka go`an tahay in uu sii joogo kooxda waliba haatan uu ka niyad jabsan yahay kooxda oo aan wadahadallo la bilaabin

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*