Neymar Oo Qaadaya Talaabo U Fududaynaysa Ku Biirista Barcelona.

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu biiro ku laabashada kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ayaa lala xidhiidhinayay ku laabashada Barcelona xagaagii hore laakiin heshiiska ayaa bur-buray kadib markii ay kooxdu ku fashilantay in ay PSG kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Neymar ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda PSG xilli uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono xagaaga 2022 waxana lagu soo waramayaa in uuna xiddigu wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa.

Wargaysk MARCA ayaa sheegaya in uu Neymar diyaar u yahay uu ku laabto kooxda Barcelona xagaaga waliba doonayo in uu hoos u dhigo mushaharkiisa shaqsiga ah si ay ugu fududaato ku biirsta kooxdu.

Neymar ayaa xilli ciyaareedkan ku bilowday 10 kulan sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay waxana uu dhaliyay 6 gool sidoo kale waxa uu caawiye ka noqday 4 kale.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*