Neymar Oo PSG U Sheegay Go’aankiisa Ugu Dambeeya Ee Halka Uu Ka Ciyaari Doono Mustaqbalka Dhaw.

Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu Hehsiis cusub u saxiixo kooxda ku ciyaarta garoonka Parc des Princes kadib markii uu bur-buray ku laabashadiisii kooxda Barcelona xagaagii la soo dhaafay.

Xiddiga reer Brazil ayaa la filayay in uu ku laabto kooxda Barcelona xagaagii la soo dhaafay laakiin kadib saamaynta dhaqaale ee uu xanuunka Korona ku yeeshay kooxaha waxa bur-buray rajadiisii ahayd in uu ku laabto Camp Nou.

Sidaas darteed wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in uuna Neymar ku laaban Barcelona waliba diyaar u yahay in uu heshiis cusub oo 5 sano ah u saxiixo kooxda PSG.

Heshiiska Neymar ee haatan kooxda PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu doonayaa in uu sii joogo kooxda 5 sano oo kae.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*