Neymar Oo Messi Ku Soo Dhaweeyay PSG

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa durba kooxdiisa ku soo dhaweeyay xiddiga Lionel Messi kadib markii la xaqiijiyay in ay kooxda PSG heshiis la gaadhay xiddiga reer Argentine.

Xiddiga Lionel Messi ayaa haatan u duulay magaalada Paris si uu u dhamaystiro heshiiskiiisa kooxda PSG kadib markii uu ogolaaday heshiiska uu ugu biirayo kooxda PSG.

Xiddiga Neymar ayaa ah xiddiga ugu farxada weyn ee PSG marka loo eego in uu doonayay in uu ka garab ciyaaro Xiddiga Lionel Messi oo ay muddo 4 sano ah isaga garab ciyaareen kooxda Barcelona.

Neymar ayaa ku biirista Messi ee PSG durba ugu dabaal dagay baraha bulshada isaga oo Messi ku soo dhaweeyay kooxda ka dhisanc aasimada Paris ee PSG Fariin uu ku qoray bartiisa bulshada.

Xiddiga reer Brazil ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray Fariin ah “isku soo laabtay| isaga oo sii raaciyay sawir ay wada dabaal dagayaan isaga iyo Lionel Messi sidoo kale sii raaciyay magaca Messi.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*