Neymar Oo Lionel Messi U Soo Bandhigay Hadiyad Uu Ugu Soo Dhawaynayo PSG, Maxay Tahay.

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu u soo bandhigay Lionel Messi fursad uu ku xirto maaliyada lambarka 10-aad ee kooxda Paris Saint-Germain, iyadoo kooxda reer France ay u muuqato inay u dhowdahay saxiixa xiddiga.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday bixitaanka Messi habeenimadii khamiista, PSG ayaana si dhaqso ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga iyaga oo u soo bandhigay heshiis 2 sano ah.

Sida laga soo xigtay RMC Sport, Neymar – oo saaxiib dhow la ahaa halyeeygii hore ee Barcelona – ayaa 34 -jirka u soo bandhigay fursad uu ku qaadan lahaa maaliyadda lambarka 10 -aad kooxda PSG.

Si kasta ha ahaatee Lionel Messi ayaa iska diiday dalabka Neymar sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda PSG ayaa la filayaa in ay dhamaystirto saxiixa xiddigaha maalmaha soo socda iyada oo la sheegayo in uu Messi haatanba sii doortay in uu kooxda PSG u xidho No.19.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*