Neymar Oo Ku Dhaw In Uu Meel Saaro Mustaqbalkiisa PSG & Barcelon Oo Ay Dhagtu U Taagantahay, Maxaa Cusub?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawyahay in uu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxda PSG.

Heshiiska xiddiga 28 jirka ah ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona.

Ku laabashadiisa Barcelona ayaa joogsaday tan ilaa markii uu dilaacay xanuunka Korona iyada oo kooxda reer Spain ku dhibaatoonaysa dhanka dhaqaalaha.

Wargayska Esporte Interativo ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ku dhawdahay in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixato xiddiga kaa soo uu todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doono 600 kun oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*