Neymar Oo Go`aamiyay Mustaqbalkiisa PSG , Miyuu Baxayaa Mise Wuu Joogayaa?

Weeraryahanaka PSG ee Neymar ayaa si maladahan uga hadlay mustaqbalkiisa kooxdaas xilli la tilmaamayay in uu doonayo in uu baxo xagaaga .

PSg ayaa xalay u gudubtay wareegga 4-ta ee Champion-ka inkastoo guul darro hal gool ka aheyd kala kulmen Munich balse natiijadii kulankii hore ayaa caawisay oo 3/2 aheyd .

Radio Monte Carlo ayuu Neymar la hadlay xilli uusan si cad ah uga jawaabin sida mustaqbalkiisa uu noqonayo

Sidaas oo ay tahay waxa uu yiri ” waxaa cad in aan halkaan ku dareemayo nasiino wacan”

“Waxaad moodaa in aan gurigeyga joogo , halkaan farxad ka weyn markii aan imaanayay ayaan PSG ku haystaa” ayuu sii raaciyay

Dad badan ayaa u turjumay warkaan in Neymar uusan diyaar u aheyn in xagaagaan ka huleelo PSG xilli kooxdiisa hore Barcelona hamineyso in ay dib u helaan .

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*