Neves, Dumfries, Cancelo, Haaland, Saliba, Nkunku & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa xidhan suuqa kala iibsiga maadama lagu jiro bilowga xilli ciyaareedka laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna kooxuhu isha ku hayn xiddigo kala duwan.

Kooxaha kala duwan ayaa qiimaynaya xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa January iyada oo ay sidoo kale wadahadalo la qaadan karaan wakiilada xiddigaha ay doonayaan.

Kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dameeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves u aragta badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Sergio Busquets (Sport).

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo bilowday wakiilada xiddiga kooxda Inter Milan ee Denzel Dumfries si ay u hesho saxiixa lagu qiimeeyo 44 milyan ee euro (Calciomercatoweb).

Kooxda Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay xagaaga dambe u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Man City ee Joao Cancelo si ay ugu xoojiso daafaceeda (AS).

Sidoo kale Real Madrid ayaa diyaarinaysa qorshaha ay ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga Erling Haaland sanadka 2024 si ay ugu badalaan Karim Benzema (AS).

Aabaha dhalay Erlig Haaland ayaa sheegay in uu wiilkiisu 2 ama 3 xilli ciyaareed la joogi doono Man City ka hor inta uuna ku biirin Real Madrid (Times).

Kooxda chelsea ayaa haatanba tijaabada caafimaadka marisay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku (BILD).

Kooxda Man United ayaa suuqa January u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga kooxda PSV ee Cody Gakpo (Football Transfers).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga 21 jirka ah ee kooxda Pyramids ee Ibrahim Adel kadib markii uu Mohamed Salah kula taliyay saxiixiisa (90min).

Xiddiga daafaca uga ciyaara Arsenal ee William Saliba ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal isaga oo sugaya kooxaha waaweyn ee reer yurub (The Athletic).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Juventus ee Dusan Vlahovic ayaa iska diiday xiisaha kooxda Arsenal isaga oo doonaya in uu sii joogo Juventus (Mail).

Mustaqbalka xiddiga Frenkie de Jong ee Barcelona waxa saamayn kara baacsiga ay kooxda Barcelona ugu jirto saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Ruben Neves (Mirror).