Netherlands Iyo France Oo Ku Kala Baxay Bar-Baro Kulan Ka Tirsanaa Euro 2024.

Xulalka Netherlands iyo France ayaa ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa Euro 2024 kana tirsanaa Group-ka D.

Labada xul ayaa ku kala baxay natiijo 0/0 ah inkasta oo ay labadooduba heleen fursado wax ku ool ah.

Inkasta oo uu xulka Netherlands maamulayay ciyaarta xulka France ayaa dhaafay daafacooda waxana Rabiot helay fursad cajiib ah laakiin halkii uu isagu ku laadi lahaa goolka ayuu u dhiibay Griezman taas oo daafacyada Netherlands ka caawisay in ay dilaan natiijadaas.

Xulka Netherlands ayaa aad ugu tiirsanaa xiddiga Memphis Deby laakiin xiddiga Leverkusen ee Frimpong ayaa dhib ku ahaa daafacyada xulka France.

Qaybtii dambe ayuu xulka France sameeyay dhaq-dhaqaaq badan waxana uu marar badan halis galiyay Goolka xulka Netherlands.

Daqiiqadii 70-aad ayuu xulka Netherland dhaliyay gool waxana u dhaliyay xiddiga Xavi Simons laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Kadib natiijadaas labada xul ayaa leh min 4 dhibcood waxana ay sugayaan in ay u gudbaan wareega xiga ee tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga