Ciyaar Gacmeed Lagu Saadaaliyay Kulanka Man City & Liverpool Ee Caawa, Koox Ayaa Natiijo Weyn Ku Badisay.

Liverpool ayaa haatanba ku guulaystay horyaalka premier League laakiin kooxda Jurgen Klopp ayaa doonaya in ay si xoogan ku dhamaystaan xilli ciyaareedka waliba jabiyaan rikoodho dhawr ah.

Reds ayaa tijaabo adag mari doonta caawa marka ay marti u noqon doonaan kooxda Man City xilli kooxda Pep Guardiola 23 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Liverpool kuna jiraan kaalinta 2-aad.

Joel Matip, Xherdan Shaqiri & James Milner ayaa ka maqnaan doona kulanka sabab la xidhiidha dhaawac halka Man City uu ka maqnaan doono xiddiga Sergio Aguro.

Saacado ka hor kulanka wargayska Liverpool Echo ayaa ciyaar gacmeed ku saadaaliyay kulanka adag ee caawa la ciyaari doono kana tirsan premier League.

Waxa kulanka lagu ciyaaray ciyaar gacmeedka FIFA 20 si ay u sadaaliyaan natiijada ka soo bixi karta kulanka caawa.

Shaxda Man City:

Ciyaar gacmeedka FIFA 20 ayaa lagu saadaaliyay Natiijada iyada oo labada kooxood la dooray kadib Computer la isugu dhiibay si ay labada kooxood u maamulaan una ciyaaraan.

FIFA 20 ayaa saadaaliyay in ay Liverpool guul weyn ka gaadhi doonto kulanka oo ah mid aad u xiiso leh oo isha lagu hayo.

Shaxda Liverpool:

Liverpool ayaa bilowga ciyaartaba dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gini Wijnaldum kaas oo gool u badalay karoos uu ka helay xiddiga Roberto Firmino.

Kooxda Man City ayaa ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta kadib goolka laakiin Reds ayaa difaacanaysay iyaga oo raadinayay fursado ay ku qaadaan weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqado yar ka hor dhamaadka ciyaarta ayay Man City bar-baraysay iyada oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Red Raheem Sterling kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Laakiin Liverpool ayaa isla markiiba ka jawaabtay iyada oo uu Sadio Mane u dhaliyay goolka hogaanka isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/2 waxana sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Reds 2/1 ku hogaaminayso.

Qaybtii dambe ayay Man City cadaadis ku saartay Liverpool in ay dhaliso goolka bar-baraha laakiin waxa ay furtay dhanka dabe taas oo ay Liverpool ka faa’iidaystay.

Naby Keita oo daqiiqadii 67-aad badal ku soo galay ayaa dhaliyay goolka 3-aad ee kooxda Liverpool kadib baas uu ka helay xiddiga Andy Robertson.

Fabinho ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee Liveprool iyada oo ciyaarta 12 daqiiqo ka dhimantahay kadib karoos uu ka helay xiddiga Trent Alexander-Arnold isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/1.Achraf Hakimi ayaa kooxda mushahar ahaan uga qaadan doona lacag dhan 5 milyan oo euro 5-taas sano ee uu joogo.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ku gaadhay guul weyn oo 4/1 ah Man City-na ka gaadhay guul muhiim ah.

Kooxda.com waxa ay xusaysaa in natiijadan tahay mid ciyaar gacmeedka FIFA 2020 Lagu ciyaaray iyada oo aan laba qof ciyaarayn laakiin labada kooxood si toos ah iskula ciyaarayeen.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*