Nasiib Xumo : Liverpool Oo Daqiiqadihii Geerida Guul-darro Kala Kulantay Burnley Ka Dib Ciyaar Wiilasha Klopp Maamulayeen

Ka dib ciyaar hal dhinac aheyd oo ay Liveprool sida ay doonto ay ka yeelatay ayaa hadana waxa ay Burnley daqiiqadihii geerida kooxda Klopp ka dhaliyeen gool rigoore ahaa oo ay ku gaareen guul qaali ah

Qeybta hore, labada koox waxa ay soo bandhigeen ciyaar adag oo deg desiimo leh xilli Liverpool ay ku sareeysay maamulka kubadda .

Liverpool qeybtaas waxaa kaliya ka maqnaa gool oo dhan waliba ayay u marayeen balse goolhayaha Burnley iyo daafaca ayaa hor taagnaa

Heerka kubad haysashada Liverpool ee qeybtaas hore waxa ay gaareysay %67 si waliba ayayna u wareereen Burnley kuwaasi oo dhankooda ku tiirsanaa kubadaha rogaal celiska ah .

Qeybta labaad , Liverpool si waliba ayay u dagaalameen balse in kubadda gool u turjumaan ayaa ka maqneyd waxaana ka sii daran goolhayaha Burnley oo bad baadinno cajiib ah sameynayay

Heerka kubad haysashada Liverpolol ee qeybta labaad aya mararka qaar gaareysay %70 , waxaana Burnley ku adkaa in kubadda si sax cagtooda ugu hayaan isla markaana u soo gaarsiiyaan goosha Liverpool

Tababare Klopp oo xal raadis bilaabay waxa uu soo giliyay daqiiqadii 57-aad xiddigaha kala ah Firminho iyo Salah oo loo saaray Origi iyo Chamberlain , waliba badaladaas halista Liverpeool ayay soo xoojineysaa .

Ciyaarta hal dhinac ayay aheyd , Liverpool ayaa sida ay doonto u weerareysay Burnley balse gool dhalin ma jirin xilli kooxdaas daafac ahaanna ay aad u wacnaayeen

Burnley kubadaha rogaal celiska ayay halis ku ahaayeen mararka qaar , waxa ayna ugu dambeyn ku heleen riogoore ka dib qalad ka dhacay goolhayaha Liveprool waxaan dhaliyay Ashley Barnes daqiiqadii 83-aad , waxa uuan Klopp ka dibs oo giliyay Takumi Minamino oo loo saaray Shaqiri

Si waliba oo ay liverpool u ciqaabeen Burnley fusradana u qasaariyeen waxaa looga dhameeyay halkaas gool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*